Midowga Musharaxiinta Oo Cambaareeyay Hadal Kasoo Yeeray Duqa Muqdisho

0
243

Midowga Musharaxiinta Oo Cambaareeyay Hadal Kasoo Yeeray Duqa Muqdisho

Midowga Musharaxiinta ayaa Golaha Bulshada Banaadir uga mahadceliyay sida ay u aqbaleen Codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo Banaanbixii lagu waday inuu Maanta oo khamiis ah ka dhaco Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa si kulul loogu Cambaareeyay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ee fal dembiyeedka loogu tilmaamay banaanbixii dhici lahaa Maanta ee la baajiyey.

Midowga ayaa adkeeyay in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah, isla markaana shacabka kunool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay xili kasta qaban karaa banaanbax, iyagoona u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Midowga ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta ee Rooble uga mahadceliyey inay gudatay waajibkii kaga aadanaa banaanbaxa, waxaana ay mar kale Midowga Musharaxiinta ku adkeeyeen Xukuumadda inay iska xil-saarto furitaanka saaxadda siyaasadda.

Qoraalka Midowga ayaa kusoo aaday, iyada oo Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ay joojiyeen banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la qaban lahaa, kaasi oo ay Maamulka Gobolka Banaadir horey u diideen inuu dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here