Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noqday Golaha Wasiirada Dalka Tanzania

0
334

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noqday Golaha Wasiirada Dalka Tanzania

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo laga bedelay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo muwaadin Soomaali ah,wuxuu 26 Ogosto 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi iyo ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here