Askari Horay U Dilay Qof Shacab Ah Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyay

0
536

Askari Horay U Dilay Qof Shacab Ah Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyay

Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka ayaa dil toogasho ah lagu fuliyay, kaasi oo haray qof shacab ah dil u gaystay, waxaana horay maxkamad loo soo taagay gaacn ku dhiiglaha.

Askariga lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Faarax Dhaqane, waxaana horay uu dil ugu gaystay Marxuum lagu magacaabi jiray Mowliid Baashe Cumar.

Marxuumka dilka loogaystay uu ahaa farsamayaqaan gaadiidka ka shaqeeya, kaasi oo Askarigu uu ku dilay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasi oo lagu qisaasay Cabdulqaadir Faarax Dhaqane, oo horay kaga tirsanaa Ciidanka Xoogga.

Halka uu ka dhacay dilka Qisaasta ah ayaa waxaa ku sugnaa Ehelada labada dhinac, kuwaasi oo goob joog ka ahaa, xukunka iyo sidoo kale fulinta qisaasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here