Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Baydhabo xili Rooble iyo Madax kale joogaan

0
407

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Baydhabo xili Rooble iyo Madax kale joogaan

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ,halkaas ay joogaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo madax katirsan dowlad goboleedyada.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig kuyaala magaalada Baydhabo ay joogaan ciidanka dowlada, waxaana la maqlayay daryanka hubka culus iyo kan fudud oo dareen cabsi ku abuuray bulshada Baydhabo.

Ciidamada dowlada ee ku sugnaa saldhiga la weeraray ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al Shabaab, waxaana daqiiqado kadib joogsaday dagaalka kadib markii dib uga baxeen magaalada dagaalyahanadii soo weeraray.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ayaan wali ka hadlin weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada iyo khasaaraha ka dhashay, xaalada magaalada Baydhabo ayaana saakay ah mid degan.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Ra’isul Wasaare Rooble, madax katirsan dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale oo magaaladaasi u tagay xuska munaasabada sadex sano guuradii kasoo wareegtay markii la doortay Cabdicasiis Laftagareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here