Shaqsiyaad Dhaawacyo Gaarsiiyay Shaqaalaha Diyaaradda Turkish Airways Oo Xabsiga Ladhigay

0
379

Shaqsiyaad Dhaawacyo Gaarsiiyay Shaqaalaha Diyaaradda Turkish Airways Oo Xabsiga Ladhigay

Iyadoo Shalay gacan ka hadal uu dhex-maray shaqsiyaad Soomaali ah iyo qaar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda Turkish Airways, ayaa waxaa arrintaasi faah faahin ka bixiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaadkii buuqa kiciyay,sidoo kalena ay jirto dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ee gacan ka hadalku dhex-maray iyaga iyo shaqsiyaadka Soomaalida ah, ee la socday diyaaradda Turkish Airways.

Afhayeen ciidanka Booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 5 ruux oo Soomaali ah xabsiga la dhigay, kuwaasi oo dhibaato u gaystay Shaqaalaah diyaadda diyaaradda Turkish Airways.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in uu socdo baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo kiiska, xili caaafimaadka shaqaalihii dhibaatadu gaartay lala-tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Shalay ayay ahayd, markii gudaha diraadaadda Turkish Airways ay isku farasaareen shaqsiyaad Soomaali ah iyo shaqaalaha Diyaaradda kuwaasi gacan ka hadal toos ah uu dhexmaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here