Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0
482

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab oo xalay ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii xubno hubeysan oo kamid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Baladweyne.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Madaafiic inta uu socday dagaalka ay isdhaafsadeen dhinacyada, waxaana mid kamid ah Madaafiicda uu ku dhacay Guri ay ku sugnaayeen dad qoys ahaa.

Inta la xaqiijiyay saddex Carruur oo isku qoys ahaa ayaa ku geeriyooday Madfac ku habsaday Guri ay ku sugnaayeen oo ku yaalla xaafadda hanti wadaag ee Baladweyne, halka laba qof kalena oo kamid ahaa qoyska ay ku dhaawacmeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan weerarka iyo dagaalkii xalay ka dhacay Baladweyne iyo khasaaraha gaaray dadka shacabka ahaa.

Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin duleedka galbeed ee Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay Ciidamada ay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyeen degaano hoostega Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here