Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Boosaaso Iyo Ciidamo Lagu Daabulay

0
544

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Magaalada Boosaaso Iyo Ciidamo Lagu Daabulay

Iyadoo Xalay Magaalada Boosaaso eee xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland si weyn looga dareemayay dhaq-dhaq Ciidan iyo saan-saan dagaal ayaa waxaa hadda lagu soo warramayaa in xaaladdu tahay mid deggan.

Waxaa Magaalada tan iyo shalay Madaxtooyada Puntland ay Ciidamao farabadan ku daabulaysay Magaaalada Boosaaaso, waxaana la arkyay Ciidamo aad u hubeysan oo qaybo ka mid ah Magaalada fariisimo ka sameysatay.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu halkaas ka helayno ayaa kuw arramaya in saaka labada dhinac ay ku kala sugan yihiin goobihii ay ku waaberriisteen, iyadoo dadka Magaalada ay ku warramayaa in ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in dagaal toos ah billowdo,maaddaama aysan jirin cid si toos ah u kala dhex-gashay labada dhinac oo isku hub aruursaanaya.

Xiisadda u dhexeysan Ciidanka PSF ta iyo Madaxtooyada ayaa ka dhalatay taliyihii Xilka laga qaaday, iyadoo taliyaha Cusub ee uu magacaabay Deni uusan ilaa iyo hadda tagin taliska Ciidanka PSF ta, waxaana khilaafka ka taagan Boosaaso u buuxsamay Todobaad, walina wax xal rasmi ah lama gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here