Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiyo Oo Ciidanka Dowlada Oo Horumaro Ka Saameeyay Dagaalka

0
538

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiyo Oo Ciidanka Dowlada Oo Horumaro Ka Saameeyay Dagaalka
Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa u muuqdo kuwo maalmihii ugu dambeysay horumar ka sameynayay dagaalka ay kula jiraan kooxaha fallaagada, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada itoobiya ay qabsanayaan magaalooyin muhiim ah .

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa hoggaaminaya ciidamada dalkiisa ee dagaalka kaga jira dhinaca Gobolka Canfarta. Ciidamada ayaana la sheegaya in deegaano hor leh ka qabsanayaan kooxahaasi.

Afhayeenka Xukuumadda Addis Ababa, gabadha lagu magacaabo Billene Aster Seyoum ayaa maanta sheegtay in fallaagada laga saaray marinkii gargaarka loo marin jiray dadka Tigrayga oo ku yaala Gobolka Canfarta.

Waxay sheegtay in TPLF ay qaadi doonto masuuliyadda, haddii uu hakad ku yimaado gargaarkii la gaarsiin jiray dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan ee ku sugan Gobolka Tigrayga, bacdamaa ay isku dayayaan inay dib u soo caabiyaan Ciidamada Qaranka. Hubinti la’aan ku timaada marinkan ayay sheegtay inay dib u dhac ku keeni karto gargaarkii loo sii marin jiray dadka Tigrayga.

Iyadoo la hadleysay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in TPLF ay in muddo ahba ku taameysay, sidii ay gargaarka uga jari laheyd dadka reer Tigray, waana xilli TPLF ay horaan sheegtay in Dowladda Federaalka ay tahay midda gargaarka hortaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here