Ra’iisal Wasaarihii Hore Lesotho Thomas Thabane Oo Lagu Helay Dambi Ah Inuu Dilay Xaaskiisa

0
415

Ra’iisal Wasaarihii Hore Lesotho Thomas Thabane Oo Lagu Helay Dambi Ah Inuu Dilay Xaaskiisa

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lesotho Thomas Thabane ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay xaaskiisa Lipolelo Thabane sanadkii 2017.

Xaaskiisa hadda, Maesaiah, ayaa sannadkii hore lagu soo oogay dambiyo la mid ah.
Waxaa lagu eedeeyay labadooda in ay shaqaaleysiinayeen dad wax ku dhuftay, xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha balse Labaduba way diideen inay wax lug ah ku leeyihiin.

Mr Thabane ayaa xilka ka dagay bishii May 2020 ka dib bilo cadaadis ah oo saarnaa kadib markii lagu tuhmay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisii.

Arintan ayaa dad badan ka yaabisay, waxayna dhalisay muran siyaasadeed oo ka taagan dalka yar ee aan bad lahayn oo gabi ahaanba uu ku hareereysan yahay Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here