Gabar nin kufsan rabay ka codsatay inuu xiriir jacayl la sameeyo – kaddib maxaa dhacay?

0
372

Gabar nin kufsan rabay ka codsatay inuu xiriir jacayl la sameeyo – kaddib maxaa dhacay?

Karen Lina oo loo garan ogyahay Princess waa haweeney 44 jir ah, waxayna sheegtay in labo sano ka hor ay la kulantay xaalad aysan illoobi doonin inta ka harsan nolosheeda.

Waxay sheegtay inuu ahaa ficil aysan waligeed ku fikirin inuu ku dhici doono. Waxaa kufsaday nin aysan waligeed horay u arkin.

“Markii aan xaaladdaas la kulmay waxaan meel kaligey ku noolaa saddex bilood kaddib markii ay soo afjarantay nolosheydii guurka. Ninkeygii hore ayaa i furay wuxuuna iga eryay guriga aan ku wada nooleyn,” ayay tiri Princess.

Arrinta muruada ku abuurtay waxay ku dhacday wax yar kaddib markii uu dhammaaday guurkeedii saddexda sano aqalkiisu dhisnaa.

Markii ay kaligey nolol sameysatay waxay subax walba usoo bixi jirtay jimicsi socod ah oo ay ku tagi jirtay ilaa goobta lagu cibaadeysto.

“Xaafaddaas waxaan ku noolaa ilaa saddex bilood, subax walbana inta u dhaxeysa 6am ilaa 6:30am waxaan sameyn jiray jimicsiga. Waligey cabsi ima gelin, sababtoo ah meesha aan dagganaa amaan ayay ahayd, wax welwel ahna iguma heynin inaan socod aado,” ayay tiri.

Maalin Aaxad ah ayay isku diyaarisay inay socod ku aaddo waddada weyn dhinaceeda.

“Anigoo markaas uun billaabay inaan socdo ayaa maqlay shanqarta nin xoog u tallaabsanaya oo gadaasheyda socda, dhanka aan u socdana ku wajahan. Dib ayaan u jeestay waxaana ku iri gudub, balse wuxuu ku adkeystay inaan iska socdo. Waxyar kaddib wuxuu igu amray inaan istaago oo aanan isdhaqaajinin.”

Princess waxay sheegtay in arrintani ay ku dhacday si aad u dhakhso badan.

Sida ay xasuusato, waxay ninka weerarka kusoo qaaday u sheegtay in ay u socoto meel ay kusoo cibaadeysaneyso, ayna u oggoshahay inuu qaato boorsadeeda iyo wax walba oo ay wadato.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay horay u qabtay tababar isdifaacitaan ah balse ay ku fikirtay in aysan xaaladda faraha ka bixinin oo loo baahan yahay dagganaan iyo xeelado kale.

“Qofkii isoo weeraray wuxuu ii sheegay inaanan isku dayin inaan la dagaallamo, haddii aan aqbalo wax walba oo uu ii sheegayayna uusan dhibaato ii geysan doonin.”

“Haddii aan ka diido amarka wuxuu ii sheegay inuu ii adeegsan doono fees uu watay.”

“Waxyar kaddib wuxuu iga dalbaday inaan u raaco waddo kale oo cidlo ah, markaas ayana billaabay inaan cabsado,” ayay tiri.

Haweeneydan waxay sheegtay in ninku uu gacanta ka hayay oo uusan dooneynin inuu la hadlo. Markii dambe wuxuu ku amray inay gasho guri aysan aqoonin.

“Islamarkiiba wuxuu iga dalbaday inaan dharka iska bixiyo, markaas ayaana ujeeddadiisa ogaaday oo uu welwelka igu sii batay. Waxaan weydiiyay inuu marka hore i siiyo fursad aan su’aal ku weydiiyo. Waxaan ku iri: ‘Ka warran haddii aan noqonno lamaane is jecel?'”

Waxay ahayd xeelad ay dooneysay inay wadahadal ugu furto ninka si ay uga dhaadhiciso arrin ka duwan midda uu damacsanaa.

Haweeneydan waxay sheegtay in ninku uu lahaa hal ujeeddo oo ah inuu kufsado, sidaas darteedna uusan hadalkeeda dhag jalaq u siinin.

Hase yeeshee arrinta layaabka leh waxay ahayd inuu siiyay dhowr daqiiqadood oo ay ku duceysato.

“Waligey, ilaa markii aan gabar yar ahaa waxaan ku duceysan jiray in aanan la kulmi qof wax kufsada, waxaan u maleynayay inaan fursad u helay duco si aan uga badbaado ninkaas, balse markii aan ducadii dhammeystay, tacaddigii ayuu ii geystay,” ayay tiri Karen LIna.

Kaddib markii ay la kulantay ficilka uu ku sameeyay qof aysan aqoonsan karin, Princess kuma aysan dhiirranin inay dadkoo dhan u sheegto arrinta.

Waxay xasuusataa inay keligeed isku canaananeysay oo kaleiya inay isdejiso, iyadoo iska dhaadhicineysay “in aan la kufsanin balse ay xanuunsan tahay oo keliya”.

Waxay ku doodday in dumar badan oo marxaladdan soo maray ay isku dayaan in ay inkiraan waxa ku dhacay balse aysan u suuragalin inay horay u socdaan.

Way ku adkaatay inay dhacdadaas u sharraxdo duqeyda xaafaddeeda iyo walaasheed oo ay aa disugu dhawaayeen.

Markii ay la wadaagtay kaddib, waxaa la qaaday tallaabooyin deg deg ah oo booliska loogu wargeliyay dhacdadaas, sidoo kalena waxaa la billaabay in caafimaad ahaan loo baxnaaniyo iyada.

Ilaa hadda oo falkaas markii uu dhacay laga joogo labo sano, sida ay shegtay Princess, lama soo xirin ninkii kufsiga u geystay, oo sidoo kalena ka qaatay lacagtii ay boorsada ku wadatay.

Tallaabooyinka ay qaadday kufsiga kaddib si ay nolosheeda horay ugu wadato waxaa ka mid ah inay nafteeda ka dhaadhicisay sidii ay u aqbali lahayd dhibka ku dhacay, taasoo ay sheegtay in aysan sahlaneyn.

Waxay dumarka tacaddiyada jirka ah loo geysto ku boorrisay inaysan qarsoodi ka dhigin dhibkooda.

bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here