Haweenay Soomaaliyeed Oo Wiilkeeda Gowracday

0
350

Haweenay Soomaaliyeed Oo Wiilkeeda Gowracday

Booliska St, Cloud ee gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Haweenay Soomaali ah, oo sida la sheegay Gowracday Will ay dhashay, waxaana faah faahin dheeraad ah laga helaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in Hooyadaasi ay Gowracdo Wiilkeeda.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Hooyada  Soomaaliyeed oo ku nool St, Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa Gowracday Wiil ay dhashay, kaasi oo Maydkiisa ay ku ridday Goob qashinka loogu talagalay.

Haweenayda oo magaceeda Lagu soo koobay fardowso Cabdullaahi ayaa qiratay dambiga sida ay sheegeen Sraakiisha Boolisku, waxaana sababta rasmiga ee ka dambeysay in ay falkaas ku kacdo lagu sheegay in Aabbihii dhalay Wiilka uu ku Inkiray, kadibna ay nolosha dhaafisay Saqiirka, sida laga soo xigtay Saraakiisha gacanta ku haya Kiiska.

Haweenayda oo 26 jir ah ayaa haatan xabsiga ku jirta, waxaana wali socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo kiiska, iyadoo Bulshada Soomaaliyeed ee  ku nool gobolkaasi ay arrinta si weyn uga naxeen, maaddaama ay tahay dhacdo ugub ah oo inta badan aan looga baran Bulshada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here