Raysal Wasaare Rooble Oo Digniin Kasoo Saaray Boobka Doorashada Golaha Shacabka Somaliya

0
503

Raysal Wasaare Rooble Oo Digniin Kasoo Saaray Boobka Doorashada Golaha Shacabka Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiyada kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taas oo soo gudbiyeen Musharaxiin sheegay in kuraastooda la boobay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku boorriyay madaxda dowlad-Goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada socota.
Rooble ayaa faray Guddiyada in aysan ku milmin Madaxda maamulada, isla markaana ay ilaaliyaan madax banaanida doorashada, habraacyadii lasoo saaray, wuxuuna u sheegay in lagula xisaabtamayo wixii musuq-maasuq ah oo ay ku kacaan Guddiyada doorashada…

“Anniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan ma aqbalaayi wax musuq-maasuq ah oo ay ku kacaan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, marna kama yeeleyno inay ku milmaan Madaxda maamul Goboleedyada” ayuu yiri Rooble oo la hadlaayay warbaahinta.

Ugu dambeyn Maxamed Xuseen Rooble ayaa Musharaxiinta ku tartameysa doorashada ugu baaqday in aysan cabashooyinka ay qabaan kusoo gudbin baraha Bulshada, isla markaana u gudbiyaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka, si looga jawaabo cabashada…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here