War-bixin Ka Digtay In Dawladda Shiinuhu Soomaaliya Ku Qasabto Inay Qaaddo Tallaabo Lid Ku Ah Somaliland, Si Loo Carqaladeeyo Xidhiidhka Taiwan

0
239

War-bixin Ka Digtay In Dawladda Shiinuhu Soomaaliya Ku Qasabto Inay Qaaddo Tallaabo Lid Ku Ah Somaliland, Si Loo Carqaladeeyo Xidhiidhka Taiwan

 

Todobaadkii hore Warbaahinta Shiinaha, ayaa baahisay War ay ku sheegayso in Dawladda Taiwan jid khaldan u marayso inay sii xoojiso xidhiidhka diblumaasiyasadeed ee ay la leedahay Somaliland.

Wargeyska Global Times oo Shiinaha laga leeyahay, ayaa sheegay in Taiwan ay lacago laaluush ah siisay Siyaasiyiinta Somaliland, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Sumcadda Taiwan ee dunida Dimuqraadiga ah.

Laakiin, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey wararkaasi oo ay ku sheegtay inay been abuur yihiin.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan  Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi oo daah-furan, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay ‘in lagu sumeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan..” waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times

Hase-yeeshee, War-bixin dabagal ah oo uu warkaa hore ka dib ay qortay Warbaahinta New Bloommag, ayaa lagu sheegay in qorsheyaasha uu Shiinuhu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu intaa ka sii badan karo, suurto-galna tahay inuu Tallaabo muuqata qaado.

Warbaahinta Bloommag, ayaa War-bixinta dabagalka ee ay qortay ku tidhi “Waxa kale oo laga yaabaa in dawladda Shiinuhu qaado tallaabooyin kale oo looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka ay Taiwan la leedahay Somaliland, Tallaabooyinkaasi oo ay ka mid tahay in la isku dayo in lagu qasbo Soomaaliya tallaabo ka dhan ah Somaliland..”

Warbaahinta Bloommag oo War-bixinteeda ku xustay in qorsheyaasha Shiinaha ee uu ku carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ay badan karaan, ayaa qoray “Tan waa la arki doonaa.”

 

geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here