Kuuriyada Waqooyi oo Maanta Tijaabisay Gantaal laga tuuray Gujis

0
316

Kuuriyada Waqooyi oo Maanta Tijaabisay Gantaal laga tuuray Gujis

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacada maanta ah xaqiijisay, in taliska Pyongyang uu tijaabisay gantaal baalistik ah oo laga tuuray gujis, tallaabadaas oo ay khubarradu ku tilmaameen in Kuuriyada Waqooyi ay ka damacsantahay in ay si dag dag ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada.

Warka kasoo baxay Warbaahinta Xukuumadda Pyongyan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Kuuriyada Koofureed sheegtay,in ay rumeysantahay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal laga tuuray gujis yaalla xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorrisay Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso daan-daansiga.

Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa Talaadadi shalay sheegtay, in Dowladda Mareykanka ay u furantahay in ay wadahadallo diblamaasiyadeed kala gasho Kuuriyada Waqooyi, barnaamijkeeda Niyukleerka.

Pyongyang ayaa arrintaasi horay ugu gacanseystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here