Khasaaro Ka Dhashay Ciidamo Saarnaa Gaadhi Oo Qarax Xoogan Lala Beegsaday

0
251

Khasaaro Ka Dhashay Ciidamo Saarnaa Gaadhi Oo Qarax Xoogan Lala Beegsaday

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay 14 Askari ku geeriyootay Qarax Argagixiso oo saakayto ka dhacay Caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

Labo Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Bas ay la socdeen Ciiddan oo marayey meel ku dhow Hotelka caanka ee Damarose Hotel ee Bartamaha Dimishiq, iyadoo ay ku dhex gubteen 14 Askari oo Ciiddan ahaa halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Qarax 3aad oo la dhigay Buundada weyn ee Dimishiq ayaa la kala furfuray, kadib, markii Ciiddanka ku takhasusay Miinooyinka lagu wargeliyey in Qarax kale la dhigay meel ku dhow halkii Ciiddanka lagu qarxiyey.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxyada Mataanaha ee saakayto ka dhacay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here