Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Guushii Somalia ee kiiska Badda

0
275

Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Guushii Somalia ee kiiska Badda

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa War kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee kiiska badda ee u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan.

Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii laga saaray kiiskii Dacwada Badda ee muranka gelisay Kenya, balse Maxkamadda ICJ ay dhul-badeedkii Kenya ku doodeysy u xukmisay Soomaaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca horumarinta, amniga iyo dhaqaalaha doorashooyinka, sida uu VOA-da u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeyb galay Shirka Baarlamaanka Jaamacadda.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray xaaladda dalal Carbeed oo ay ka jiraan xiisado sida Ciraaq, Lubnaan, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here