Madaxweynaha Dowladda Kenya oo ka horyimid Go’aankii Maxkamadda ICJ

0
231

Madaxweynaha Dowladda Kenya oo ka horyimid Go’aankii Maxkamadda ICJ

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale waxaa uu ku ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka, xili Maxkamadda ICJ ay badda u xukmisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegtay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Madaweynaha muddo xileexdkiisa dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda ICJ, wuxuuna Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here