Golaha Ammaanka Oo Maanta Ka Shiraya Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya

0
225

Golaha Ammaanka Oo Maanta Ka Shiraya Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.Shirkan ayaa sheegay in shirkan oo noqon doono mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here