Siyaasi Cabduweli Gaas Oo Farmaajo Iyo Rooble Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxaan Kiiska Ikraan

0
217

Siyaasi Cabduweli Gaas Oo Farmaajo Iyo Rooble Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxaan Kiiska Ikraan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo salka ku haaya kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

Cabduweli Gaas oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in khilaafka Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo sheegay in labadaba ay xeyndaabkii dowladnimada ay iskala baxeen.

Waxaa uu Cabduweli Gaas hadalkiisa uu intaasi ku daray in is qabqabsiga uu dhibaato ku yahay dowlwdnimada, socod siinta howl maalmeedka dowladda, howlaha doorashooyinka ee loo wada jeestay iyo Shaqooyinka kale ee dowladda.

” Is qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daayaa Hay’adaha Shaqadoodu tahay ee Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha iyo Maxkamadda Ciidamads, balse waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u wajahayo ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Sidoo kale Cabduweli Gaas ayaa sheegay in waraaqaha ay isugu soo jawaabayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dhibaato u keeni karto mustaqbalkooda siyaasadeed, isla markaana wixii dalka ka dhaca ay labadooda mas’uul ka yihiin.

Ugu dambeyn Cabduweli Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha maadaama awood badan la siiyay in Arrinta Ikraan uu u daayo Hay’adaha Garsoorka, hayeeshee uu u jeesto dhinaca doorashada oo ay ku xiran tahay guushiisa iyo guuldaradiisa ,isla markaana guushiisa aysan ku xirneyn ka guul gaarida kiiska Ikraan Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here