Dowladdo Shaaciyey Inay Qaabili Doonaan Qaxootiga Afganistan

0
278

Dowladdo Shaaciyey Inay Qaabili Doonaan Qaxootiga Afganistan

Maraykanka, Uganda iyo Waqooyiga Mesedooniya ayaa sheegay inay qaabili doonaan Kumanaan Qaxooti ka soo baxsanayao Qalaalasaha ka taagan dalkooda.

Milliteriga Maraykanka waxay diyaarinayaan Hoyga 22,000 oo Qaxooti Reer Afganistan ah, kuwaasi oo la dejin doono Saldhigyo Milliteri.

Dhinaca kale, Uganda ayaa oggolaatay Codsi uu Maraykanka kaga dalbaday inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan 2,000 oo Qaxooti u dhashay Afganistan.

Wasiirada Samafalka, U diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Esther Anyakun Daviniya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Museveni oggolaaday Codsiga qaabilaada Qaxootigaasi.

Waxay kaloo sheegtay in Dufcadii u horeysay ee Qaxootigaasi oo tiradoodu dhan tahay 500 oo qof uu qorshuhu ahaa inay Uganda soo gaaraan bishan 16-di I, balse aysan Uganda soo gaarin.

Dhinaca kale, Dowladda Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegtay inay qaabili doonto 450 Qaxooti oo Reer Afganistan, kuwaasi  oo ay ka mid yihiin  kuwii ka shaqeyn jiray Hawlaha Samafalka, Nabad-ilaalinta, Suxufiyiinta, Turjumaanada, Dhaqdhaqaaqayaasha iyo Qoysaskooda iyo kuwii la shaqeyn jirey Ciiddanka NATO iyo kuwa Waqooyiga Mesedooniya ee Afganistan ka hawl-geli jirey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here