Wararkii ugu dambeeyay Afghanistan iyo daalibaan war cusub soo saartay

0
289

Wararkii ugu dambeeyay Afghanistan iyo daalibaan war cusub soo saartay

Kooxda Taalibaan ayaa cafis guud u fidisay dhammaan mas’uuliyiinta dowladdii Afghanistan, iyagoo ku boorriyay inay ku laabtaan shaqada iyagoo qaba kalsooni buuxda.

“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan marka waa inaad dib u bilowdaan nolol maalmeedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayay qortay AFP, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay Taliban.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jirto cabsi soo food saartay Afgaanistaan.
Daalibaan ayaa caan ku ah inay fuliyaan ciqaab arxan darro ah waxaana lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo dagaal.

Wararka kale ee ka imanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in duulimaadyada milateri ee ka daadgureynayayq diblomaasiyiinta iyo dadka rayidka ah ayaa dib uga billowday gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Kabul.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in garoonka ay hadda ka jirto xasillooni,kadib marki shan ruux ay shalay ku dhinteen qalalaase shalay ka dhacay isla garoonkaas, inkasta oo aan la hubin in la toogtay ama ay ku dhinteen isbuurasho.

Duulimaadyada ayaa la hakiyay inta badan Isniintii. Gegida dayuuradaha ayaa ah meesha kaliya ee ay ka baxaan ciidamada shisheeye ee uu hoggaaminaya Maraykanka ee ka sugan Afgaanistaan.

Dhinaca kale, dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uu darbi ka dhisayo xadka uu la wadaago Iiraan xilli laga cabsi qabo in ay ku soo qulqulaan qaxooti cusub oo ka yimaada dhanka Afghanistan.

Darbiga ayaa dhererkiisu noqon doonaa 295km marka la dhammaystiro, waxaana lagu xoojiyay silig sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here