Wabiga Shabelle oo markale ka fatahay deegaano ku dhow Jowhar

0
268

Wabiga Shabelle oo markale ka fatahay deegaano ku dhow Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar.

Wabiga ayaa ka fatahay deegaano ka xiga Koofur Bari magaalada Jowhar oo ay ka mid tahay deegaanka Bayaxow iyo Boodaale.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy ku baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Fatahaada wabiga Shabelle ee deegaanada Boodaale iyo Bayaxow ayaa sababtay in ay ku baaba’aan dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,

Wabiga Shabeelle ayaa hore fatahaad uga sameeyay deegaanka Baarey iyadoo markii dambe lagu guuleystey in la xiro buqda Baareey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here