Daalibaan Oo Ku Dhawaaqday In Uu Dhammaaday Dagaalkii Afghanistaan

0
278

Daalibaan Oo Ku Dhawaaqday In Uu Dhammaaday Dagaalkii Afghanistaan

Kooxda Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul, iyadoo ciidamada Mareykanku hoggaaminayo ay baxaan dalkaas, isla markaana waddamada reer Galbeedku ay Isniintii isku raaceen inay daad gureystaan muwaadiniintooda.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalkiisa ka qaxay Axaddii, markii Taaliban ay soo galeen caasimadda, iyadoo aysan jirin cid iska caabbisay, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado ‘dhiig daata’, halka boqolaal reer Afghanistan ah ay quus ka joogaan inay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

“Maanta waa maalin ku weyn shacabka Afghanistan iyo mujaahidiinta. Waxay goobjoog u ahaayeen miraha dadaalkooda iyo naftooda oo ay u hureen 20 sano,” ayuu yiri Mohammad Naciim, afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan u sheegay TV -ga Al Jazeera.

“Illaahay baa mahad leh, dagaalku waa ka dhammaaday dalkan”. ayuu sheegay Naciim.

“Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsado dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno.” ayuu sii raaciyay.

Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaabna qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ciidamada Afghanstan, oo sanado badan tababarro la qaadanayay kuwa Mareykanka iyo kuwa kale, heystana saanad military, ayna ku baxday balaayiin doolar ayaa kala si fudud u kala daatay.

Hoggaamiye ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay Reuters inay dib isu uruursanayaan, ayna iskaga imaanayaan gobollada dalkaa, isla markaana ay sugi doonaan inta ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan kahor inta aysan dhisin maamul cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here