Toogasho Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka

0
261

Toogasho Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Dalka Mareykanka

Sarkaal ka tirsan Boliska Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu dilay weerar Tooreey ah oo ka dhacay Xarunta Transit-ka ee Waaxda Difaaca ee magaalladda Washington DC.

Waaxda Ciidadnka Badbaada ee The Pentagon waxay xaqiijiyeen Sarkaalka la dilay, balse, wey ka gaabsadeen Faahfahinta buuxda ee magaca Sarkaalka la dilay iyo xogta ku gedaaman weerarkaasi.

Xoghayha Difaaca Maraykanka, Llyod Austin waxa uu ka tacsideeyey Dilka Sarkaalkaasi, wuxuuna amray in hoos loo dhigo Calamada suran Dhismaha Waaxda Difaaca ee dalkaasi.

Dhinaca  kale, Ciiddanka waxay toogteen Eedeysanihii weerarka geystay oo lagu mgacaabi jirey Austin William Lanz, kaasi oo ka soo jeeda Gobalka Georgia.

Toogashadaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay Ugu yaran hal qof oo marayey goobta rasaasta la isku weydarsaday ee  banaanka Xarunta Pentagonka.

Eedeysanihii dilka ka geystay waxa la sheegay inuu ahaa qof ka xanuunsanaa Dhimirka, waxaana uu horey uga tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi.

Xafiiska Waaxda Dembi-baarista Boliska Federalka ee Gobalka Atlanta ayaa la sheegay inay horkcayaan Baaritanka dhacddaasi iyo Eedeysanihii dilka geystay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here