Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland

0
265

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Guddoonka cusub ee Maanta oo talaado ah loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiillada Somaliland ee ay dhawaan shacabka u codeeyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horreeyn hambalyo iyo bogaadin u diray xubnaha Guddoonka Golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sidoo kale hambalyeeyey madaxdii maamulaysay inta uu socday shirka.

“Waxan hambalyeynayaa golaha Baarlamaanka ee cusub ee maanta shaqadu u bilaabmayso, waxanan ugu ducaynayaa inay hawshooda si hufan ah u gutaan, waxan hambalyeynayaa odayaashii maanta hawsha maamulay oo ay kow ka yihiin, guddoomiyaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka” ayuu yirri Biixi.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waaxa uu hoosta ka xarriiqay in guusha Somaliland oo dhammi wada leeyahay oo aanay xisbi iyo cid gaar ah sheegan karin.

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here