Turkiga Oo Doonaya Inuu Iskaashi La Sameeyo Dalalka Islaamka Iyo Ruushka

0
277

Turkiga Oo Doonaya Inuu Iskaashi La Sameeyo Dalalka Islaamka Iyo Ruushka

Sida laga soo xigtay telefishinka dowladda ee TRT World, madaxweyne Recep Tayyip Erdoan ayaa haatan sheegay inuu daneynayo in iskaashi dhaqaale, ganacsi, gaashaan-dhigga, dalxiiska iyo maalgashiga la yeesho Ruushka iyo dalalka Islaamka, sababtuna ay tahay inay faa’iido u leedahay dhammaan dhinacyada.

Erdogan ayaa intii uu socday shirka Kazan ee 12-aad sheegay in xogta wax dhoofinta iyo koboca dalkaas ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka ay ka marqaati kacayaan guulaha is daba joogga ah ee Turkiga ee sanadkan 2021.

Erdogan ayaa yiri, “Innagoo hal dhan xoojineyna xiriirka dalalka deriska ah kana bilaabeyna kan noo dhow dhul ahaan, dhanka kalena waxaan sidoo kale isku dayeynaa inaan kordhinno fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhaxeeya dalalka Islaamka,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale yiri, “Marka laga soo tago tallaabooyinka Ururka Iskaaashiga Islaamka (OIC) ee loo qaaday iskaashiga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale dhowaan xoojinnay howlaheenna quseeya heerka iyo ansixinta cuntada xalaasha ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here