FALASTIN : Ismaaciil Haniyah Oo Mar Kale Loo Doortay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas

0
294

FALASTIN : Ismaaciil Haniyah Oo Mar Kale Loo Doortay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas

Dhaqdhaqaaqa Islaamiga Reer Falastiinee XAMAAS waxay maanta sheegeen inay Ismaaciil Haniyah mar kale u doorteen Hogagamiyahooda Sare.

Ismaaciil Haniyah oo Masaafuris ahaan dibedda ugu noolaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa mar kale loo doortay Hoggaamiyaha Golaha Shuuradda ee XAMAAS muddo 4 sano ah.

Waxa uu horey Gacan-yare uga ahaa Hoggaamiyihii XAMAS, Sheekh Axmed Yaasiin, kaasi oo ay Israel ku dishay Duqeyn Diyaaradeed sanadkii 2004-tii.

Hoggaamiyha cusub ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS waxa uu ka tegay magaalladda Qasa sanadkii 2019-kii, isagoo marba ku nool dalka Turkiga ama Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here