Kooxda Taliban Oo Weerar Ku Qaaday Magaalooyiin Muhiim Ah Oo Ku Yaalla Dalka Afqanistan

0
238

Kooxda Taliban Oo Weerar Ku Qaaday Magaalooyiin Muhiim Ah Oo Ku Yaalla Dalka Afqanistan

Dagaal adag ayaa waxa uu ku dhexmarayaa saddex magaalo oo ka tirsan Afqanistaan kooxda Taliban iyo ciidmada dowladda Afqaanistaan.

Dagaalka ayaa ka socda magaalooyinka Lashkar Gah ,Kandahar iyo Harat oo ku yaala koonfurta iyo galbeedka dalkaasi.

Ciidamada gaarka ah ee dowladad Afqanistaan ayaa loo daabulay Lashkar Gah, oo ah caasimadda gobolka Helmand.

Kooxda Taliban ayaa muddooyiinkii u dambeeyay la wareegtay dhul badan oo ku yaalla dalka Afqanistaan.

Magaalada Lashkar Gah, waxay wararku sheegayaan in Taliban ay dhowr boqol oo mitir u soo jirsadeen xafiiska barasaabka, balse markii dambe dib loo riixay.

Waa markii labaad oo muddo maalmo ah ay xoogagga Taliban isku dayayaan in ay la wareegaan magaaladasi.

Abaanduulaha ciidamada Afqanistan ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay u geysteen dagaalayahanada Taliban.

Mid ka mid ah baraha internetka ee taageersan Taliban ayaa soo geliyay muuqaal muujinaya dagaalayahanada Taliban oo ka dhex dagaalamaya bartamaha magaalada.
Laakiin masiirka magaalooyinkan muhiimka ah ayaa noqon kara mid muhiimad gaar ah leh, iyada oo laga cabsi qabo dhibaato bani’aadamnimo oo arrintan ka dhalata.

Waxaa sidoo kale shaki laga muujiyay inta ay dhan tahay awoodda ciidamada dowladdu ay u yeelan doonaan inay iska difaacaan Taliban.

Taliban ayaa la rumeysan yahay in imika ay gacanta ku hayaan kala bar dhulka Afqaanistaan.

Waxay Taliban horay ula wareegeen magaalooyiin muhiim ah oo ku yaalla xuduudaha Afqanistaan ee Iran iyo Pakistaan.

Dhanka kale Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliyay meelo ka mid ah dhulka uu dagaalka ka socdo.

Ciidamada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dalkaasi Afqanistaan ka baxaan bisha September ee soo socota.

Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda Nato ayaa Taliban xukunka kala wareegay bishii Nofembar 2001.

Kooxdu waxay gabaad siinaysay Usaama Bin Laadin iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Al-Qaacida oo lala xiriirinayo weeraradii 11 September 2001 ee Mareykanka.

Inkastoo dowladda Mareykanka ay dhaqaalo badan ku bixisay dhisidda iyo tababarka ciidamada dowladda Afqanistaan ayaa waxa hadana kooxada Taliban u suuragashay in ay la wareegaan dhul badan oo ku yaalla dalkaasi Afqanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here