DEG DEG : Madaxwayne Muuse Biixi Oo Salaasada Kulan Isugu Yeeray Golaha Wakiillada Cusub Ee Somaliland

0
247

DEG DEG : Madaxwayne Muuse Biixi Oo Salaasada Kulan Isugu Yeeray Golaha Wakiillada Cusub Ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah soo saaray xeer Madaxweyne oo ku shaaciyay waqtiga rasmiga isugu imaan doonaan Golaha Wakiillada Cusub Somaliland.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021

Isugu yeerida Golaha Wakiillada Cusub

Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland isugu yeero Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland;

Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta talaada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Somaliland ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here