Faah Faahin:- Shil Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

0
251

Faah Faahin:- Shil Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Beri ee Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo dad shacab ah saarnaayeen, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dadkii Rakaabka ahaa e Saarnaa labada gaari ee isku dhacay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in shilkaasi ay ku dhinten Seddex ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad laga dayrimayo, waxaana la sheegay in Gurmad loo sameeyay dadkaasi shilka qabsaday.

Wali Maamulka Magaalada kama hadlin shilkaasi khasaaraha badan dhaliyay, mana jirto faah faahin intaa ka dheeri ah oo ilaa hadda la helay, waxaana bur bur aaad u xooggan uu soo gaaary labada gaari ee isku dhacay, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay, sidoo kalena Muuqaallo laag soo duubay halka wax ka dhaceen ayaa waxaa ka muuqda Maydad dhulka yaalla, kuwaso oo ah dadkii shilka ku dhintay, oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo seddex qof.

Inta badan shilalka ka dhaca Waddooyinka soo gala Magaalooyinka Degaanada Somaliland ayaa ah kuwo soo noq noqda,iyadoo tiro dhowr jeer ay ka dhaceen Shilal kala duwan oo waxyeello kasoo gaartay dad rakaab ahaa,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here