Cajiib! Dadka Shiinaha Ee Indho Yaryarida U Dhashay Indhohooda Waynaysanaya

0
305

Cajiib! Dadka Shiinaha Ee Indho Yaryarida U Dhashay Indhohooda Waynaysanaya
Sida dhalinyaro badan ay isku da’ yihiin, gabadha lagu magacaabo Ruxin oo 23 sano jir ah ah oo ku nool Shiinaha waxay maalin kasta isha ku heysaa baraha bulshada si ay ula socoto wararka ku saabsan qallin wejig, waxayna ka fikireysaa sidii ay isu qurxin laheyd.

Ruxin waxay qorsheyneysaa sidii ay indho waaweyn u yeelan laheyd iyadoo mareysa qalliin.

Dadka ku nool magaalada Guangzhou waxay isticmaalaan adeeg lagu magacaabo Gengmei si ay u helaan dhakhtarka ugu wanaagsan, marka ay timaaddo qalliinka is qurxinta, gaar ahaan indhaha in ay waynaystaan.

“Magaalada waxaa ku yaalla cisbitaallo badan oo sameeyo arrintan balse waxaan raadinayaa mid wanaagsan, arrinta aan ka hadlayo waa qurxinta wajigeyga,” ayay tiri Ruxin oo BBC la hadleysay.
Adeegga Gengmei, oo luqadda Shiinaha micneheedu yahay “wax aad u qurxoon” waa mid ka mid ah adeegyada qaabilsan baraha bulshada oo si weyn loogala socdo qalliinka ku saabsan is qurxinta dalka Shiinaha, halkaas oo ay dadka ku wadagaan macluumaadka la xiriira arrintaas.
Tan iyo markii la bilaabay adeeggaas baraha bulshada ee lagu magacaabo Gengmei, dadka isticmaala waxay gaareen 36 milyan – kala bar dadkaas waa dhalinyaro.

Sidoo kale waxaa jiro adeeg kale oo ay dadka kala socdaan qalliinka is qurxinta wajiga, oo lagu magacaabo So-Young oo ay adeegsadaan in ka badan 8.4 malyan oo qof.

In si weyn loo adeegsado barahan waxay horseeday in dad badan ay beddalaan fikirkii ay ka heysteen qalliinka la isku qurxinayo.

Haddii tallaabadan ay sii socoto, Shiinaha wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeyay dunida ee ku caan baxa in qalliin laga sameeyo wejiga oo la isku qurxinayo, muddo 10 sano gudahood, sida uu ku warramay wargeyska Global Times.

Dadka inta badan waxay sameystaan indho waaweyn, dhabbano qurxoon iyo sidoo kale qurxinta wajigga.

Waxaa loo baahan yahay tallaabooyiin xaddidaya arrintan
Sida laga soo xigtay warbixin uu qoray wargeyska Global Times, dalka Shiinaha waxaa sannadki 2019-kii ka howlgalayay in ka badan 60,000 oo xarumood oo fuliya qalliinka is qurxinta.

Xarumahaas waxay mas’uul ka ahaayeen illaa 40,000 oo dhacdooyin oo dhibaato soo gaartay dadkii loo sameynayay qalliinka, halka 110 maalin kasta ay dhacaan dhibaatooyin ka dhasha arrintaas, sida ay warbixinta sheegtay.

Dhibaatada ka dhalatay arrintaas waxaa ka mid ah arrin ku dhacday atariishada lagu magacaabo Gao Liu oo lagu sameeyay qalliinka is qurxinta ah, wuxuuna dhaawac ka muuqdaa sankeeda, waxaana dhintay xiddidada seedaha sanka.
Waxay atrishadda sheegtay in ay u baahan tahay qalliin dheeraad ah si ay usoo ceshato quruxda sankeeda.

Waxaana laga mamnuucay gabadhan in qalliin kale lagu sameeyo muddo lix bilood ah, cisbitaalkii dhibatadaas u geystayna waa la ganaaxay.

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala ayaa codsaday in la meel mariyo tallaabooyin lagu xaddidayo xarumaha faraha badan ee fuliya qalliinada is qurxinta ah.

Bishii la soo dhaafay, guddiga qaran ee arrimaha caafimaadka Shiinaha ayaa shaaciyay tallaabooyin ka dhan ah xarumaha sida sharci darrada ku howlgalayay ee fulinaya qalliinka noocan.

Waxay sheegeen inay baarayaan cabashooyinka la xiriira arrintaas.

Maxaa halistan loo wajahaya?
Dad badan oo ku nool Shiinaha waxay dadaallo ugu jiraan raadinta quruxda iyadoo loo marayo qalliinka.
Dr Brenda Alegre, oo ah baare ka tirsan jaamacadda Hong Kong, waxay sheegtay in ‘waxyaabaha qofka u horseedayo in uu qalliin isku sameeyo si uu isu qurxiyo, in aysan ahayn arrin jaceyl dartii ah balse ay tahay mid ay ku qasbayaan goobaha shaqada’.

“Shiinaha, dadka shaqo doonka ah waxaa laga doonayo in sawirradooda ay u diraan goobaha ay shaqada ka codsanayaan, qaar ka mid ah goobahaas waxay dumarka shaqo doonka ah ka doonayaan in ay leeyihiin muuqaal wanaagsan oo soo jiidasho leh.”

Dadka qaar waxay sheegayaan in shaqooyinka qaar lagu saleeyo muuqaalka qofka.

“Marka la fiiriyo quruxda, waxay qofka u horseedi kartaa in uu helo fursado badan oo shaqo – tusaale ahaan lacagta laga sameeyo muuqaallada tooska ah iyo muuqaallada la dhigo baraha bulshada,” ayuu yiri Wang Jun oo ah madaxa barnaamijka Gengmei, mar uu la hadlayay BBC.
Lu Yufan, oo ah haweeney sawir qaade ah oo fadhigeedu yahay magaalada Beijing oo ka shaqeyneyso sidii ay u soo saari laheyd buug ku saabsan qalliinka is qurxinta ah, ayaa BBC u sheegtay in ay booqatay ilaa 30 xarumood oo qalliinkan lagu sameeyo, isla markaana dadka ku howlan arrintaas ay u sheegeen in wajigeeda uu u baahan yahay in wax laga baddalo.

“Waxay iga dhaadhiciyeen in aan qalliinka isku sameeyo, xitaa waxaa igu dakaatay in aan Maya iraahdo, markaa ma heysan wax lacag ah oo la iigu sameeyo,” ayay tiri Lu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here