Booliska Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Ay Toogteen Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0
319

Booliska Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Ay Toogteen Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay Ex Control Balcad ku toogteen xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo ku hubeysanaa Qori Ak-47, kaasi oo isku dayay inuu carqaladeeyo dhismaha waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

laamaha amniga Gobolkani Banaadir ayaa waxaa ay intaa ku dareen, in Shaqsiga la toogtay uu doonayay in uu beegsado shaqaalaha dhisaya waddada, oo dhismo ku socdo, balse ay ka hortageen, oo ay isla goobtii ku toogteen.

Waxaa Sido kale Ciidanku ay sheegeen in ay ka qaadeen boorso uu watay , taasi oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa, waxaana hada baaraya Ciidanka booliska gobolka Banaadir sida la sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here