Madaxwayne Cusub Oo Loo Doortay Dalka Iraan Iyo Cida Uu Yahay Madaxwaynaha Cusub

0
279

Madaxwayne Cusub Oo Loo Doortay Dalka Iraan Iyo Cida Uu Yahay Madaxwaynaha Cusub

Murashaxaasi ahna Madaxa Garsoorka ee dalkasi ayaa noqon doona Madxweynaha cusub ee Iiraan, kaib, markii uu ku guuleystay Doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Natiijo hordhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxaa lagu sheegay inuu Ibraahim Ra’iisi helay 17.8 million oo Cod, halka Murashax ku xigay ee Muxsin Rezaayi uu helay 3.3 million oo cod, halka Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee dalkaasi, C/Naasir Xemati uu helay 2.4 million oo Cod.

Dhinaca kale, Murashixiintii laga guuleystay waxay u hambalyeeyeen Murashaxa Ibraahim Ra’iisi, kaasiool filayto inuu Xilka Madaxweynaha la wareego bisha Agost,kadib, marka uu Madaxweyne haatan ee Xasan Ruuxaani ka degi doono Xilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here