Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Xero Ay Ciidanka Milateriga Soomaaliya Ku Leeyihiin Degaanka Biya-Cade

0
250

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Xero Ay Ciidanka Milateriga Soomaaliya Ku Leeyihiin Degaanka Biya-Cade

Wararka inaga soo gaaraya gobalka Shabeelada Dhexe ayaa ku warramaya in goordhweyd uu Qarax Khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Gobolkaasi, waxaana la helayaa faah faahiino dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxaasi.

Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa uu ka dhacay Degaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in Qaraxaasi si gaar ah loola beegsaday afafka hore ee xero ay Ciidanka Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaankaasi.

Wararku waxaa ay tilmaaamyaan in Qaraxu uu ahaa mid aad u xooggan oo khasaaro badan dhaliyay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidankii ku sugnaa xerada lagu weeraray Qaraxa Ismiidaaminta ahaa.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda, waxaana wararku ay intaa ku darayaan dad ku dhaawacmay Qaraxaasi uu kamid yahay Korneel Saneey Cabdulle oo ka tirsan saraakiisha xoogga dalka, Kaasi oo sida la sheegay uu soo gaaray dhaawac fudud.

Wali ma jiro waxfaah faahin intaa dheer oo laga helay weerarkaasi Ismiidaaminta ah ee saaka lagu Qaaday afafka hore ee xero ay Ciidanka Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeelada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here