Somaliland: Buur Kusoo Duntay Dad Saarnaa Gaadiid Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
300

Somaliland: Buur Kusoo Duntay Dad Saarnaa Gaadiid Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Wararka aan ka heleyno wadada u dhexeeya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo degmada Gabiley ayaa waxaa ay sheegayaan in buur ku taalla wadadaas ay ku soo duntay gaadiid ku socdaalayay laamiga.

Dad ayaa ku soo warramay in laba gaari oo mid uu ahaa nooca xamuulka qaado iyo mid kale oo siday dad shacab ay kusoo duntay buurta dhinaca barri ka xigta kaantaroolka Caabdula ee Hargeysa, xili labada gaari ay hareer marayeen buurta.

Inta la xaqiijiyay 10 qof oo saarnaa gaariga rakaabka ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo la geeyay.

Dad ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta oo maqlay dhawaqa buurta kusoo duntay gaadiidka wadada marayay ayaa tegay halkaas, iyagoona gurmad u sameeyay dadka, waxaana halkaas ku rogmaday labada gaari.

Si kastaba degaano ka tirsan Somaliland oo saaran waddooyinka ayaa waxaa ku yaalla buuro dhaadheer oo qaarkood ay hoos marayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, halka buuro kalena ay hareer maraan gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here