Madaxweynaha Mareykanka Oo Magacaabay Danjireyaal Cusub

0
344

Madaxweynaha Mareykanka Oo Magacaabay Danjireyaal Cusub

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden oo haatan ku sugan magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa uu magacaabay 9 Danjire oo cusub, sida laga xigtay Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi.

Danjirayaasha la magacabay ayaa kala ah:

1. Thomas Nides oo loo magacaabay Daniraha Israe

2. Julianne Smith oo loo magacaabay Ergayga Maraykanka ee Isbahaysiga NATO.

3. Ken Salazar oo loo magacaabay Daniraha dalka Mexico.

4. Chesley Sullenberger oo loo magacaabay Wakiilka Maraykanka ee Golaha Ururka Duullimaadka Rayidka ee Caalamka (ICAO).

Sidoo kale, Joe Biden waxa uu magacaabay Danjirayaasha Maraykanka u joogi doona dalalka Sri Lanka, Gambia, Gini, Costa Rica iyo Paraguay.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Danhjirayaasha la magacaabay waxay u baahan yihiin inay ansixyaan Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka oo la hor geyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here