Israa’iil Oo Duqeyn Cusub Saaka Ka Geysatay Marinka Qasa

0
381

Israa’iil Oo Duqeyn Cusub Saaka Ka Geysatay Marinka Qasa

Ilo Milliteri iyo Goobjoogayaal ku sugan Qasa ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka ee Israel Oogtii Waaberi ee saakayto oo Arbaco ah duqeeyeen Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel ayaa lagu sheegay inay qaadeen Duqeyntaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Falastiin ay Buufinada Baallooniska ee Olola u tuureen Koonfurta Israel.

Buufinadaasi waxaa la soo weriyey inay sababeen  dab ka kacay 20 goobood ee dhulka Furan  ee Koonfurta Israel, una dhow Xuduudka Qasa.

Milliteriga Israel waxay kaloo sheegeen inay duqeeyeen Dhismooyin uu Ururka XAMAAS lahaa, isla markaana ay diyaar u yihiin haddii uu Dagaal kale soo cusboonaado.

Ma kala cadda haddii ay Duqeymaha Israel khasaaro ka geysteen Marinka Qasa.

Ilo Reer Falastiin oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP waxay sheegeen inay Diyaaradaha Israel beegsadeen ugu yaraan hal dhismo oo ku yaalla Bariga magaalladda Khaani Yoonis ee Koonfurta Deegaanada Marinka Qasa.

Afhayeenka Ururka XAMAAS oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu xaqiijiyey Duqeymaha Diyaaradaha Israel, isagoo xusay inay Reer Falastiin sii wadi doonaan inay sii wadi doonaan Iska caabintooda geesinimada leh ee ay ku difaacayaan Xuquuqdooda iyo Goobaha Muqadaska ee ku yaalla Qasa.

Duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ku qaadeen Marinka Qasa waa weerarkii u horeeyey tan iyo markii la doortay Ra’isul-wasaaraha cusub ee Israel, Naftali Bennett isbuucii hore.

Israel iyo Falastiin waxay bishii hore ee May 21-dii gaareen Heshiiskii Xabad-jooinjta lagu soo af-jaray dagaal lagu dilay 256 Falastiniyiin ah iyo 12 Israeli ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here