Isbaahaysiga Mucaaradka Somaliland oo lagaga Guulaystay Labadii Degmo ee u Horreeyay

0
288

Isbaahaysiga Mucaaradka Somaliland oo lagaga Guulaystay Labadii Degmo ee u Horreeyay

Isbaahaysiga Mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani ayaa lagaga guulaystay labadii Degmo ee u horreeyey doorashada Maayirnimada.

Golayaasha cusub ee degaanka labada degmo ee Berbera oo ah xaruunta Gobolka Saaxil iyo Gar’adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa fadhiyadoodii u horreeyey ku doortay Maayarro ka soo baxay xisbiga Kulmiye.

Degmada Berbera waxa saaka mar kale Maayar loo doortay Maayar Cabdishakuur Maxamed (Cidin) oo ku guulaystay 8 cod oo ka mid ah 13 mudane ee Deegaanka loo doortay, halka Maayar-ku-xigeenka loo doortay Nuur Cabdi Jaamac (Cadde).

Dhinaca kale, Golaha Deegaanka degmada Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo iyadana saaka golaheedu is-doorteen waxa maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud iyo ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo labaduba ka soo baxay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here