Duqii Hore Magaalada Berbera Oo Maanta Dıb Loo Doortay

0
285

Duqii Hore Magaalada Berbera Oo Maanta Dıb Loo Doortay

Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa waxaa ka dhacday Doorashada Duqa Magaaladaas, waxaana doorashada ku tartamay saddex Musharax oo ka kala socday xisbiyada Kulmiye,Ucid iyo Waddani.

Xilka Duqa Magaalada Berbera ayaa waxaa ku guuleystay Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo xilkaas horey u haayay, isagoona ka tirsan xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga doorashada Somaliland oo tiriyay Codadkii ay dhiibteen xubnaha cusub ee Golaha deegaanka Berbera ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii Maanta dhacday , iyagoona sheegay inuu guuleystay Cabdishakuur Maxamuud.

Ammaanka guud ee Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana xusid mudan in waddooyinka lagu daadiyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here