Dowladda Masar Oo Beenisay In La Bililiqeystay Safaarad Ay Lahaayeen Ku Lahaayeen Dalka Liibiya

0
288

Dowladda Masar Oo Beenisay In La Bililiqeystay Safaarad Ay Lahaayeen Ku Lahaayeen Dalka Liibiya

Danjira Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida ee ku sugan Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli waxa uu beeniyey Warar lagu sheegay in dhac iyo boob loo geystay Safaaradda Masar ku leedahay Tripoli.

Danjire Maxamed Taruut Saliim oo la hadlay Warbaahinta Yoom Sabca waxa uu tilmaamay in Gaadiidka sawirkooda lagu baahiyey Baraha Bulshada yihiin 5 Gaari oo Safaaradda Masar laga bililiqeystay sanadkii 2014-kii, wuxuuna mar kale beeniyey inay Gaadiidkaasi yihiin kuwo dhawaan laga soo dhacay Safaaradooda.

Dhinaca kale, Dowladaha Masar iyo Libiya waxay dib u soo celiyeen Xiriirkoodkooda, iyadoo Safaarada Masar dib loo furay bishii la soo dhaafay ee May 21-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here