Wasiir Dubbe”Kenya Ma Fulin Karto Duqeymo Aysan Kusoo War Galin DFS Iyo AMISOM”

0
474

Wasiir Dubbe”Kenya Ma Fulin Karto Duqeymo Aysan Kusoo War Galin DFS Iyo AMISOM”

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Duqeymo ay dhawaanahaan Diyaaradaha Kenya ay ka gaysteen Gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo goordhaweyd warbaahinta la hadlaya yaa si kulul uga hadlay Duqeymihii dhawaan ay Kenya ka gaysatay Degmooyinka Ceel-waaq iyo degaanno kale oo Hoose yimaada, waxaana uu sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay cambaaraynayso tallaabadaasi ay ku keceen Diyaaradaha Kenya.

Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in duqeymahaasi ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in uu jiro bur bur Hantiyadeed oo aad u baaxad wayn oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan degmooyinka iyo degaanada la duqeeyay ee ay ka mid yihiin Ceel-cadde, Ceelwaaq, Cawsqurun iyo Badhaadhe.

 

Waxaa uu tilmaamay in la beegsaday Shirkado isgaarsiineyd iyo Guryo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Kenya aysan wax duqeyn ah ka fulin karin gudaha Soomaaliya, ilaa ay oggolaashiyo ka hesho Dowladda Soomaaliya iyo Taliska AMISOM, waxaana uu sheegay in ay cambaaraynayaan Tallabada ay qaadday Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here