Labo Wiil Oo Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
451

Labo Wiil Oo Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dilal kala duwan loogu gaystay Wiilal dhalinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in ay dilal kooda ka dambeeyeeyn Burcad hubeysan, waxaana aksoo baxaya Faah faahhino dheeraad ah oo ku aaddan dilalka xalay loo gaystay Wiilashaasi dhallinyarada ahaa.

 

Dilka 1aad ayaa loo gaystay Wiil dhallinyaro ah oo Magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin, waxaana lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, iyadoo wararku ay sheegayaan in dilka uu gaystay Nin Askari ah kaasi oo tooogtay Wiilka, waxaana wararku intaasi ku daraayaan in goobta uu isaga baxsaday goobta.

Dhanka kale Dabley hubeysan ayaa Xalay fiidkii Wiil dhalinyaro ah waxaa ay ku dileen xaafadda Hanta Dheer, waxaana wiilka la dilay lagu magacaabi jiray Jibriil Aadan Cabdulle, kaasi oo ka mid ahaa sida la sheegay dhallinyarada Xaafaddaasi, waxaana wararku intaas ku darayaan in kooxda hubeysan ay dilka kadib marxuumka ka qaateen taleefonkiisa gacanta, iyagoo goobta isaga baxsaday dilka ka dib.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha ammaanka ee Gobolkani Banaadir oo ay kaga hadleen dilalka xalay Muqdisho siyaabaha kala duwan kaga dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in maydkii la geeyay Xarunta Hay’adda dambi-baarista CID-da.

Inta badan Magaalada Muqdisho waxaa ak dhaca dilal kala duwan oo loo gaysto dhalinyarada, waxaana sidoo kale Bilihii lasoo dhaafay Magaalada kusoo badanyay dhaca Taleefannnada gacanta oo ay dadka shacabka ah u gaystaan Buracd hubaysan, kuwaasi oo dhac iyo dilal Bareer ah u gaysta bulshada Caasiamdda ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here