Muxuu Yahay Ujeedka Socdaalka Uu Uhuru Kenyatta Ku Tegay Addis Ababa?

0
490

Muxuu Yahay Ujeedka Socdaalka Uu Uhuru Kenyatta Ku Tegay Addis Ababa?

Madaxweynaha Kenya dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu shalay booqasho hal maalin ah ku tegay Caasimadda dalka Ethiopia, isagoo la kulmay RW Abiy Ahmed Ali.

Uhuru waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirada Arrimaha Dibedda, Rayshelle Omamo iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta , Joe Mucheru.

Waxa u qorsheysnayd inuu goobjoog ka noqdo Munaasabad Laysinka lagu siinayey Shirkadda Isgaarsiinta Kenya ee SAFARICOM oo qeyb ka noqotay Shirkadihii ku guuleysatay Qandaraaskii Ethiopia ee dhanka Isgaarsiinta Telefoonadda Mobaylada.

Dallad Caalami ah oo  ay Shirkadda SAFARICOM KENYA hoggaminayo, isla markaana ay qeyb ka yihiin dhowr Shirkado Isgaarsiineed oo Caalami ah ayaa ku guuleystay Qandaraaska ay kaga hawl-geli karaan gudaha Ethiopia oo qiimihiisu dhan yahay 850 million oo Dollar.

Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda SAFARICOM, Peter Nadegwa waxa uu sheegay inay ku farxsan yihiin Fursadda ay ugu shaqeeyaan dadka Ethiopi iyo in la dhiso Shabakado Isgaarsiin oo Nidaamka Dijitaalka.

Dhinaca kale, Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed waxay kala saxiixdeen Heshiis Laysiimadda Isgaarsiinta, iyagoo dhanka kale si wadajir ah dhir ugu beeray Barxadda Entoko Park ee Addis Abeba, iyadoo RW Ethiopia sheegay in la soo gebagebeyey beerista 6 Billion oo Geed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here