Giriiga Oo Go’aan Ka Qaatay Qaabilda Muhaajirinta Dalal Ay Ku Jirto Somalia

0
363

Giriiga Oo Go’aan Ka Qaatay Qaabilda Muhaajirinta Dalal Ay Ku Jirto Somalia

Dowladda Giriiga ayaa la sheegay inay Isbedel ku sameysay Sharciga Qaabilaada Muhaajaariinta, kaasi oo saamayn xooggan ku yeelanaya Muhaairiinta Magangelyo-doonka ah.

Sharcigan waxa uu saamaynayaa Muhaajiriinta ka soo gudubta dalka Turkiga, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Go’aanka Dowladda Giriiga waxay ugu xulatay dalka Turkiga yahay Waddan Saddexaad oo Ammaan u ah Magangelyo-doonayaasha ka soo jeeda dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Dowladda Giriiga waxay garwaaqsan tahay inaysan  joogitaanka Muhaajiriintaasi ee gudaha Turkiga Khatar ku ahayn Jinsiyadooda, Diintooda, Muwaadinimadooda ama  Siyaasadda ay aaminsan yihiin.

Tallaabadaasi waxay saamayn ku yeelan doontaa qaabka ay Dowladda Giriiga u maaraynayso Qulqulka dadka Magangelyo-doonka ee Turkiga uga soo gudba.

Wasiirka Muhaairiinta iyo Magangelyo-doonka ee dalkaasi, NOTIS MITARAKIS waxa uu tilmaamay in shaacinta in Turkiga yahay sidii dal 3-aad oo ammaan ah ay tallaabo muhiim u tahay sidii looga hortegi lahaa Qulqulka Muhaajiriinta Sharci-darada iyo Falal-dembiyeedyada Shabakadaha Tahriibinta.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka Dowladda Giriiga waxa uu njoqon doonaa Tallaabo kale ee lagu fulinayo Bayaankii Wadajirka ee Turkiga iyo Midowga Europe oo ku aadanaa inaysan Turkiga u oggolaanin Shabakadahja wax tahriibiya iyo in marin laga dhigto Giriiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here