Dad Doonayay in ay Qaatan Tallaalka Coved19 oo Iyagii La Qarxiyay Iyo Dhimasho Ka Dhalatay

0
280

Dad Doonayay in ay Qaatan Tallaalka Coved19 oo Iyagii La Qarxiyay Iyo Dhimasho Ka Dhalatay

Qarax ka dhacay meel u dhaw Degmadda Damat ee Gobalka AL-Dhalac ee Koonfurta dalka Yemen ayaa waxa ku dhintay saddex qof halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Ila Wareedyo taabacsan ciidamada Dawladda Yemen ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay qarax la eegten dad doonayay in ay qaatan tallaalka Ka hortaga Coved19.

Afhayeenka Ciiddanka Gobalka AL-Dhalac, Kabtan Fu’aad Jubari ayaa sheegay inay Kooxda Xuutiyiinjta shalay galab gacanta ku dhigeen dad rayid ah, oo ku sii jeeday Deegaanka Murays oo ay Ciiddanka Dowladda maamulaan, si ay u qaataan Tallaalka Coved19.

Waxa uu sheegay in Kooxdasi ay Qarax ku xidheen Bar kantarool ka hor inta aysan la beegsan Qaraxa ay dadku ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here