Madaxweyne Amray In Isbedel Lagu Sameeyo Sharciga Ciidanka Cirka

0
280

Madaxweyne Amray In Isbedel Lagu Sameeyo Sharciga Ciidanka Cirka

Madaxweyne MUUN JAE-INJ ayaa amarkaasi bixiyey, kadib, markii Haweeney ka tirsan Ciiddanka Cirka oo la kufsaday ay Is-daldashay.

Qoyskeeda waxay ku eedeeyeen Taliska Ciiddanka Cirka inay ku fashilmeen Baaritaanakii Kufsiga loo geystay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfurta Kuurta oo lag magacaabo PARK KAYUNG MEE waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu la kulmay Qoyska Dhibanaha Is-dishay, wuxuuna raalli-gelin ku bixiyey inay Dowladda ku fashilantay inay iyada badbaadiyaan.

Haweeneyda Is-daldashay oo magaceeda lag soo koobay Laba Alifle Lii waxaa la kufsaday bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaana maydkeeda laga helay qolkeeda dhamaadkii bishii May ee la soo dhaafay.

Askarigii kufsiga geystay oo magaciisa lagu soo koobay JUNG waxaa la sheegay in Xabsiga loo taxaabay, iyadoo Taliyihii Guud ee Ciiddanka Cirka ee dalkaasi, LII SEONG YONG uu Xilka iska casilay Jimcihii la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu dareemay Mas’uuliyad Culus oo ku aadan Dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here