KULMIYE Oo Sı Adag u Cambaareeyey Isbahaysıga ay ku dhawaaqeen Xısbıyada Mucaaradka 

0
374

KULMIYE Oo Sı Adag u Cambaareeyey Isbahaysıga ay ku dhawaaqeen Xısbıyada Mucaaradka

Afhayeenka xisbiga Kulmiye, Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, oo ka hadlay isbahaysiga ay samaysteen xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in xisbiyadu garab mareen sharciga dalka.

Afayeen Buuni oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa yidhi sidan “Xisbiyada maanta layliga ah oo qaarkoodba maanta doorashada wawiillada ay kow u tahay ayaa ah kuwa qaanuunka dhinac maraya khalkhalkuna uu soo wajahay, oo iyadoo aan la gaadhin in la doorto shir guddoon suuqa ku sii heshiiyay oo awooddii golaha iyo mudanayaasha soo socda ee qiimaha badan ee maanta Somaliland oo dhan u riyaaqsan tahay inay laba nin iyo dad ay wataan ku sii heshiiyaan waa taa tan khalkhalka keenaysaa,” ayuu yiri Buuni.

“taa waxa ay ku gafeenba, isbahaysigu laftirkiisu ma xuma inay fikir isku geeyaan laakiin waxaa [heshiiskooda] ku qoran inay ku midoobeen shir guddoonka iyo maayirrada dalka guddigii ka shaqeyn laheyd, taana dad suuqa joogaa kama shaqeeyaane, dadka la soo doortay iyaga ayaa awood qaanuuni ah u leh markay golaha fariistaan cidda ay dooranayaan annaguna ma faragalinayno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here