Koox Sheegtay in uu Geeriyooday Hoggaamiyihii BokoXaraam iyo Cod lasoo duubay oo la Helay

0
217

Koox Sheegtay in uu Geeriyooday Hoggaamiyihii BokoXaraam iyo Cod lasoo duubay oo la Helay

Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.
Maxaa lagu sheegay codka lasoo duubay?

Codka oo aanan la ogeyn xilligga lasoo duubay ayaa waxaa loo maleynayaa in uu yahay hoggaamiyaha garabka la baxay dowladda islaamka ee galbeedka Afrika (Iswap ) Abu Muscab Al Barnawi oo sheegayo “In Abuubakar Shekau oo isagu si deg deg ah uu isku qarxiyay kadib markii uu isku xiray waxyaabo qarxa.”

Dagaalyahanada Iswap ayaa baacsanayay dagaal oogaha isla markaana siiyay fursad ah in uu ka tanaasulo fikraddiisa si uu ugu biiro kooxda, ayaa lagu yiri codka laga soo duubay Al Barnawi.

“Shekau ayaa doorbiday in iska takhaluso intii uu isaga lagu bahddili lahaa dunida” ayaa lagu yiri codka.

Bishii la soo dhaafay markii uu soo ifbaxay wararka la isla dhexmarayay ee ku aadan geerida Abuubakar Shekau, militeriga Nigeria waxay sheegeen in arrintaas ay baarayaan.

Maxamed Yerima oo ah afhayeen u hadlay militeriga Nigeria ayaa xilliggaas BBC u sheegay in militeriga ay baarayaan waxa dhacay balse aysan ka hadli doonin tan iyo inta laga xaqiijinayo geerida Shekau.

Weriye xiriir dhaw la leh laamaha amniga ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu geeriyooday markii kooxda Iswap ay weerar ku qaadeen saldhigyada Boko Xaraam ay ku lahaayeen keymaha Sambisa waqooy bari Nigeria.

Boko Xaraam oo shaacisay muuqaalka dad ay dhawaan qafaalatay

Nigeria: ‘ Waxaan dilnay hogaamiyayaal Boko Xaraam’

Boko Xaaraam oo weerar culus ku qaadday magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria

Marar badan, waxaa la tebiyay in uu geeriyooday Abuubakar Shekau.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here