Caruur Kusoo Dhaawacmay Duqeyn Kenya Fulisay Oo La Keenay Muqdisho

0
265

Caruur Kusoo Dhaawacmay Duqeyn Kenya Fulisay Oo La Keenay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay kasoo degtay diyaarad siday Carruur kusoo dhaawacantay duqeyn diyaaradaha Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Diyaarada ayaa soo qaaday Lix Carruur ah oo waxyeelado kasoo gaartay duqeyn Kenya ka fulisay deegaanka Ceel-cadde khamiistii lasoo dhaafay, waxaana Mas’uuliyiin la socday diyaarada, Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda.

Carruurta ayaa waxaa Garoonka looga soo qaaday gaadiid Ampalace ah, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Axmed Aadan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay Gobolka Gedo kasoo qaaday dadka waxyeelada kasoo gaartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ka fuliyeen halkaas.

Waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin xasuuqa Kenya u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana waxaa uu xusay in daryeel Caafimaad loo fidin doono Carruurta dhaawacyadooda lasoo gaarsiisay Caasimadda dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeyntii Kenya la beegsatay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, waxaana halkaas ku dhintay hooyo iyo canug ay dhashay, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen dad ku dhow 10 qof, halka dad kalena la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here