Hoobiyayaal La Sheegay In Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyasa Somaliya Iyo Xaafado U Dhaw

0
304

Hoobiyayaal La Sheegay In Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyasa Somaliya Iyo Xaafado U Dhaw

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in illaa shan hoobiye ay ku dhaceen xarunta madaxtooyada iyo xaafado ku dhaw dhaw sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah hobiyayaasha ayaa ku dhacay gudaha xarunta madaxtooya iyadoo mid kalena ku dhacay darbiga dambe ee madaxtooyada, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.

Hoobiyayaasha kale ayaa ku dhacay xaafado ku dhawdhaw madaxtooyada, iyana lama oga khasaaraha ay geysteen.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka hoobiyayaasha ee maanta Muqdisho ka dhacay.

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here